Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

AMISOM oo Caawa Shaacisay in Saraakiil katirsan Xarakada Al-Shabaab ku dileen agagaarka Degmada Afgooye

$
0
0


War saxaafadeed goordhaw kasoo baxay Taliska Milatariga ee Ciidamada AMISOM ayaa lagu sheegay in Howl gal gaar ah ay sameeyeen Ciidamada AMISOM in lagu dilay Saraakiil katirsan Al-Shabaab .
Warkan kasoo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in deegaano ku dhaw Degmada Afgooye lagu dilay labo Sargaal oo katirsan Xarakada Al-Shabaab kuwaa oo xiliga dilay kusocday Gaari Nuuca Raaxada Ciidamada AMISOM-na si gaar ah u dileen Saraakiishaas.
War Saxaafadeedka AMISOM kasoo baxay laguma Sheegin Magaca Saraakiishan Shabaab katirsan iyo waxa ee kooxdaasi ka ahaayeen hasa ahaatee waxa eey sheegeen kaliya in ay ku dileen Duleedka Degmada Afgooye.
AMISOM ayaa sidoo kale Warsaxaafadeedka ku sheegtay in Howl gal loogu tala galay Xureenta Shabeelooyinka uu bilowday meel fiicana marayo laguna guuleestay in Al-Shabaab lagu jabiyo dhul badana looga qabsadyo.
Howlgalkan Xureynta Shabeelooyinka ayey AMISOM sheegeen in la doonayo in lagu xoreeyo Nolosha Afar Boqol oo Kun oo Shacab ah oo kunool inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye kuwaa ay sheegeen in dhibaatooyin lagu hayo lana xureenayo.
Warkan kasoo baxay Taliska AMISOM ee ku aadan in ay Dileen Saraakiil Shabaab katirsan wali Shabaab kama aysan hadlin ,waxa ayna arintaan kusoo aadeysa Xili Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM afgooye kusii siqayaan.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>