Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Shirkii Addis Abbaba Oo Soo Idlaaday Iyo War Murtiyeed Laga Soo Saaray.

$
0
0

Addis-abbaba(GMN) Gelinkii dambe ee maanta ayaa waxaa magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia lagusoo gebagebeeyey shirkii looga hadlayey dhameystirka Road-Mapka iyadoo gebagebadii kulankana ay kasoo baxeen go’aanno dhowr ah.
Wasiirka Wasaaradda Dastuurka,Dib U Heshiisiinta iyo Arrimaha Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Xoosh Jibriil oo markii kulankaasi uusoo gebageboobay kadib Wareysi siiyey Idaacada Ku Hadasha Afka Dowlada Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in shirka uu kusoo dhamaaday guul iyo jawi wanaagsan.
Go’aannada ugu horeeya ee kasoo baxay shirka waxaa ka mid ah sameynta Road-Map cusub oo lagu shaqeynayo hada ilaa 20 August sanadkan 2012, waxaana Road-Mapkan cusub uu yahay mid lagu xoojinayo dhameystirka Qariidadii nabadda ee dalka looga saarayey KMGnimada.
-In 26ka May ay soo gebagebeeyaan howshooda dhexdhexaadinta gudi loo xilsaaray xalinta odayaal dhaqameedyada soo xulaya ergada ansixin doonta Dastuurka islamarkaana soo xuli doonta Baarlamaanka Cusub.
-In 1da June lasoo gebagebeeyo howlaha lagusoo xulayo gudiga Ansixinta Dastuurka iyo soo Xulida Baarlamaanka Cusub ee uu dalku yeelanayo.
-in ugu dambeyn 20ka bisha June la helo oo lasoo gudbiyo magacyadii ugu dambeeyey ee Golaha Ansixinta ayadoo loosoo gudbinayo gudiga Farsamada.
-In 30ka bisha June ay magaalada Muqdisho xaadir ku ahaadaan golaha Ansixinta.
-In 2Jully ay si rasmi ah howshooda u bilaabaan gudiga Ansixinta iyo shirarkooda.
-in 10ka Jully la ansixiyo Dastuurka.
-in 15ka Jully gudiga loosoo gudbiyo ugu dambeyn magacyada xubnaha cusub ee Baarlamaanka soo geli doona.
-in 20ka Jully la dhaariyo Baarlamaanka Cusub.
-In 04ta bisha August 2012 la qabto doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku xigeennadiisa.
-In 20ka August 2012 la qabto doorashada Madaxweynaha Dalka.
-In Wadashaqeyn joogta ah ay yeeshaan saxiixayaasha Road-Mapka ilaa inta lagasoo dhameystirayo howshan.
Shirkaa ayaa Maalmahaan ka socday Magaalada Addis Abbaba Ee Dalka ethopia waxaana Ka qeyb Galay Saxiixayaashii RoadMapka.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles