Waxaa goor dhawayd dhacday dhacdo ad ugucusub somalia dhacdadaso kadhacday Magaalada Baydhabo ee Xaruunta Gobolka Baay,
Gabadh dhalinyaro ah oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa waxay nin ganacsade ahaa ay ku toogatay goor dhawayd Suuqa Sarifka ee Magaalada Baydhabo, iyadoo dhawr xabadood kala dhacday madaxa iyo feedhaha.
Gabadhaan oo la-xaqiijiyay inay ka tirsaneyd Ciidamadda Xarakada Al Shabaab, ayaa waxay dilka ninkaasi ay u adeegsatay bistoolad, waxayna la-dhacday ilaa shan xabadood, oo ay intoodu badan uga dhufatay madaxa.
Gabadhan oo ay korka kala socdeen dhalinyaro kale oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab, ayaa waxay durbaba ay ka wada baxsadeen Suuqa Sarifka, oo ay ku toogatay ninkan ganacsadaha ah oo lagu magacaabi jiray Allaha u naxariisto Cabdi Iidow oo ku magac-dheeraa “Cabdi Kaar”.
Cabdi Kaar ayaa wuxuu ka mid ahaa Ganacsatada Dahabka ee Magaalada Baydhabo, laakiin waxaa la-toogtay xilli uu dhex maraayay Suuqa Sarifka ee Magaalada Baydhabo, isla-markaana Ciidamadda Dowladda oo goobtaasi soo gaaray ayaan ku guuleysan inay gacanta ku soo dhiggaan gabadhii dilka geysatay iyo dambiilayaashii kale, ee falkaasi ku wehlinaayay.
Ciidamadda Dowladda ayaa waxay shalay gacanta ku dhiggeen gabadh dhalinyaro ah, oo joog ku sidatay laba bastooladood, iyadoo la-sheegay inay u siday dhalinyaro ka tirsan Al Shabaab, waxayna xilligaan ay ku xidhan tahay Saldhigga Booliska ee Magaalada Baydhabo, iyadoona ay ku soconayaan baaritaano.
Dhacdadaan ayaa waxay fajac ku noqotay shacabka ku dhaqan Magaalada Baydhabo, waana markii ugu horeysay oo la-arko gabadh ka tirsan Al Shabaab, oo si toos ah dil u fullineysa, marka laga soo taggo inay isqarxisay.
↧
gabadh toogatay nin ganacsada kunadishay baydhabo
↧