Maamulka Degmada C/casiis ee dowladda ayaa sheegay inay ku qabteen Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho rag waday Haamo sumaysan.
Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ayaa Subaxnimadii hore ee Saaka lagu arkay ilaa 4 Haamood oo la sheegay in ay sumaysan yihiin, waxaana Maamulka Degmada C/casiis iyo Taliska Booliska qeybta Barri ay Saxaafadda usoo bandhigeen Haamahaasi sumaysan.
Gudoomiyaha Degmada C/caiis C/laahi Xuseen Xasan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada Amaanka Degmada iyaga oo roondeynaya ay ku arkeen Haamahaasi iyo Rag waday Xeebta Liido, waxaana uu sheegay in Raggaasi 2 ka mid ah ay Gacanta ku dhigeen..
General Garaad Nuur oo ah Taliyaha Booliska qeybta Bartamaha oo isna hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay Maxkamad soo taagayaan labadaani Ruux ee lagu qabtay Haamanka sumeysan , isagoo uga digay dadka inay ka fogaadaan Goobaha ay Hamankaasi yaalaan ee Xeebta Liido.
Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ayaa ah Xeebta ugu badan ee loo Dabaal tago marka loo eego Xeebaha kale ee magaalada Muqdisho, waxaana ilaa hadda aan la ogayn Ujeedka dadka la qabtay ay ka lahaayeen Haamankaasi sumaysan inay dhigaan Xeebta Liido.
↧
Haamo sumaysan oo lagu arkay Xeebta Liido
↧