Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Xeer ilaaliyaha dowlada oo ka hadlay khilaafka madaxda Dowladda KMG ah

$
0
0

Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda KMG Soomaaliya C/llaahi Daahir Barre ayaa maanta ka hadlay khilaafka u dhexeeya madaxda dowlada ee ku aadan dastuurka cusub ee dhowaan la soo bandhigay.
Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in Guddiga loo xilsaarayo Dastuur sameynta dalka marka hore ay ansixiyaan Baarlamaanka, Xukuumadda iyo Madaxweynaha.

Waxa uu Xeer ilaaliyuhu sheegay in haddii Guddigaasi aysan heysan kalsoonida saddexdaasi dhinac aysan ansax ahayn sida uu yiri, isagoo xusay in madaxweynaha iyo xubnaha kale ee qaba in Guddigaasi aan baarlamaanka la soo marsiinin ay sharci ku taagan yihiin, loona baahan yahay in guddigaasi sharci ku taagan yahay.

Xeer ilaaliyuhu waxa uu sheegay in khilaafka ka dhex taagan madaxda sarsare ee dowladda KMG Soomaaliya la dhameyn karo marka ay dhaxdo in ciddii sharciga dhinac martay ay dib ugu soo laabato xeyndaabka sharciga oo ay caddeeyaan inay sharciga dhinac mareen, kadibna waxa la isku khilaafsan yahay laga saaro meesha.

Dr. C/llaahi Daahir Barre waxa uu sheegay in  madaxweynaha iyo xubnaha kale ee ka tirsan dowladda KMG  ee diidan dastuurkan cusub ay xaq u leeyihiin inay yiraahdaan wixii qaldan hala saxo, waase haddii marka hore ay dhabowdo in Guddiyada loo saaray sameynta dastuurka aysan horay u ansixin Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

“Anigu kama warqabo in la ansixiyay Guddiga soo sameeyay Dastuurka iyo in kale, waxaanse leeyahay haddii aan la ansixin dadka saluugsan xaq ayay u leeyihiin inay yiraahdaan hadda hala ansixiyo Guddiga dastuurka.

Waa markii ugu horreysay ee uu ka hadlo Xeer ilaaliha guud ee Qaranka khilaafka soo kala dhex galay Madaxweynaha iyo Ra’isal wasaaraha ee ku saabsan Dastuurka cusub ee qabyada ee loo sameynayo dalka Soomaaliya.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>