image:
Ciidamadda Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxay weeraro abaabulan ay ku qaadeen Degmooyinka Bu’aale iyo Baardheere, oo labaduba ka kala tirsan Gobolada Jubbada Dhexe iyo Gedo.
Saraakiisha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ee Gobolada Jubbooyinka ayaa waxay sheegeen inay weeraro ku qaadeen Degmooyinka Baardheere iyo Bu’aale, isla-markaana waxay sheegeen inay ka saari doonaan Al Shabaab.
Korneel Aadan Shire Rufle oo ka mid ah Saraakiisha Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gobolada Jubbooyinka, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Ciidamadda Dowladaha Somaliya iyo Kenya ay cagta saareyn, wadooyinka aadda Degmooyinka Baardheere iyo Bu’aale.
Korneel Aadan Shire Rufle ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay inay lagama maarmaan tahay in Xarakada Al Shabaab ay ka saaraan Degmooyinka Baardheere iyo Bu’aale, isla-markaana ay soo geliyaan gacanta Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu sheegay haddii ay Xarakada Al Shabaab ka saaraan Degmooyinka Bu’aale iyo Baardheere, inay weeraro hor leh ay ku sii qaadi doonaan Deegaanada kale ee Gobolka Jubbada Dhexe, sida uu sheegay.
Qorshaha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ayaa wuxuu ku sheegay sidii leeskugu xiri lahaa Ciidamadda Dowladda iyo Amisom ee ka soo baxay Magaalada Muqdisho, ee soo gaaray buu yiri Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose iyo kuwa kale ee joogga Gobolada Jubbooyinka.
Ugu dambeen Korneel Aadan Shire Rufle oo ka mid ah Saraakiisha Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gobolada Jubbooyinka, ayaa wuxuu guul uu u rajeeyay inay gaari doonaan Ciidamadda Dowladaha Somaliya iyo Kenya.