29,May,2012
Gaalkacyo-sonna)Shir ay maanta Xarunta Madaxtooyada Galmudug ku yeesheen Golaha wasiirada Galmudug ayey ku taageereen Shirka Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga ka socda ee looga hadlayo arimaha Soomaaliya.
Waxaa Shirka Golaha Wasiirada shir gudoominayay Kusimaha Madaxweynaha ahna madaxweyne ku xigeenka Galmudug C/samad Nuur Guuuled,oo markii uu shirku soo dhamaada Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Golaha Wasiirada Galmudug ay isku raaceen in si buuxda loo taageero Shirka Odayaasha Dhaqanka iyo qaybaha Bulshada uga socda Magaalada Istanbul ee Caasimadda Dalka Turkiga.
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa intaas ku daray in Hadalkii ka soo yeeray madaxweyne Caalin ee uu kaga soo horjeestay Shirka Istanbul uu yahay mid aan laga wada tashan islamarkaana uu yahy Go’aan Madaxweynaha gaar u ah.
C/samad Nuur Guuleed ayaa tilmaamay in Shirka Golaha Wasiirada lagu Go’aamiyay in Galmudug ay ka qayb gasho Shirkasta oo arimaha Soomaaliya looga hadlayo islamarkaana Shirka Istanbul ay u direen Xubno ka mid ah Golaha wasiirada kuwaas oo uu hogaamin doono Wasiirka Iskaashiga iyo Xiriirka Caalamiga ah Maxamed Cali Nuur Xaaji .
Shirka Golaha Wasiirada Galmudug ay ku taageereen Shirka Istanbul waxa uu ku soo aadayaa xili dhawaan Madaxweyne Caalin uu sheegay in Maamulka Galmudug aysan ka qayb gali doonin Shirka ka socda Dalka Turkiga.
↧
Shirkii Golaha Wasiirada Galmudug oo lagu taageeray Shirka Istanbul
↧