Waxaa weli figta sare sii fananaya khilaafkii mudada soo jiitamayay balse hadda uun shaaca ka qaadmay ee u dhexeeyay Madaxweyne Shariif iyo Ra'iisal wasaare Sharma'arke.
Ra'iisal wasaaraha oo oo u muuqda in uusan la dhacsaneyn sida uu wax u wado Madaxweynuhu ayaa Shariifka ku eedeeyay in uu dabada kaga taagan yahay hirgelinta iyo ansixinta Dastuurka la diyaariyay.
"Dastuurkan la qoray waxaa looga dan lahaa in looga gudbo magaca Ku Meel Gaarka ah ee mudooyinkii u dambeeyay loogu wanqalayay Dowladihii la soo dhisay, laakiin Madaxweynaha ayaa qorshahan ka soo horjeeda" Sidaas waxaa ku dooday Ra'iisal wasaare Sharma'arke oo ku dadaalaya in uu muujiyo barta sartu ka qurunsan tahay ee ay ku kala boodeen isaga iyo Madaxweynuhu.
Muranka iyo ismaandhaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra'iisal wasaaraha ayaa hadda u muuqda mid bannaanka yaal waxaana la filayaa in uu sii xumaado haddii Beesha Caalamku aysan kala canaanay labadan Mas'uul.