Dowladda Itoobiya ayaa u muuqata mid ku guuldareysatay fashilinta
shirkii lagu balansanaa in dhinacyada Soomaaliyeed loogu qabto dalka
Turkiga kadib markii uu cadaadis ka soo foodsaaray xafiiska siyaasada ee
qaramadda midoobay iyo dowladda Turkiga oo ey ka go'an tahay iney caawiyaan dadka soomaalyeed.
Maamulka Meles Zenawi ayaa ka dhaadhiciyey Faroole iyo Caalin inay
qaadacaan ka qeybgalka shirkaasi si halkaasi uu ugu burburo shirkii lagu
balansanaa, waxaase culeys aanu filaneyn saaray xafiiska siyaasadda
qaramadda midoobay ee UNPOS iyo weliba dowladda Turkiga oo ah dal ku
jira isbaheysiga NATO.
Dhinaca kale warar goordhow aan ka helnay xarunta maamul goboleedka
Puntland ee Garoowe waxa ay sheegayaan in ay socoto qabanqaabada wafdiga
ka qeybgalaya shirka Istambul, waxaana wafdiga Puntland la filayaa inay
sii maraan Adis ababa halkaa oo uu uga biiri doono madaxweynahooda
Cabdiraxmaan Faroole, waxaana tani ay muujineysaa in Meles Zenawi uu ku
guuldareystay faragelintii uu ku hayey ka qeybgalka shirka Istambul.