Wararka ka imaanaya Degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in degmadaasi uu ka qarxay dagaal xoogan oo u dhaxeeya Xoogag Al-shabaab iyo Ciidamada Dowladda oo garab ka helaya Ciidamada Ethopia.
Dagaalkan ayaa bilowday kadib markii Xoogaga Al-shabaab ay dagaal ku qaadeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ku sugan duleedka Degmada xudur ee gobolka Bakool.
Dagaalkani ayaa ah mid xoogan oo la isku adeeg saday hubka noocyadiisa kala duwan, isagoo dagaalkani ay dhinac socdaan duqaymo xoogan oo la isku adeegsanayo Madaafiicda waa weyn.
Dad weynaha ku dhaqan deegaankaasi ayaa waxaa soo wajah day cabsi aad u weyn, iyadoona laga baqsan yahay in dagaalku uu sii xoogaysto.
Ilaa hada lama oga khasaaraha rasmiga ah ee uu dagaalkani gaystay, inkastoo dhawaga rasaasta noocyaheeda kala duwan laga maqlayo deegaano badan oo ay kamid tahay Degmada Xudur.
↧
Deg Deg: Dagaal Ka Qarxay Degmada Xudur Ee Gobolka Bakool
↧