
Madaxweynaha maamulka Galamudug ayaa rajo wanaagsan ka Muujiyay in ay hirgalaan qodobbada ka soo baxay shirkii Soomalida ee Dhawaan ka dhacay magaalada Istanbuul ee wadanka Turkiga, isaga oo Sheegay in looga bixi karo marxaladda hadda wadanku ku jiro.
Mudane Caalin oo u waramay Radio Muqdisho isagoo ku sugan Isbtambuul ayaa muujiyay sida uu ula dhacsanyahay una taageersanyahay qorshaha RoudMapka, isagoo tilmaamay in looga baxayo marxladda KMG ah.
Sidoo kale waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay meel marinta qorshaha Roudmapka, isagoo dowladda ku boorriyay in ay meelmariso Qorshahaasi si dalku uga baxo ku meelgaarnimada.
Hadalka Mr. Caalin ayaa imaanaya xilli ay sii kordheyso taageerada uu helayo qorshaha Roudmapka ee la doonayo in dalka looga saaro KMG-nimada.
Caalin ayaa markii hore diiday inuu ka qeyb galo shikii Isbanbuul walaw ey ka soo horjeesteen golahiisa wasiirada iyo waxgaradka maamulka Galmudug iyagoo markii dambena ku cadaadiyey inuu shirka ka qeyb galo