Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Dadka Afgooye oo Amni-darro ka Cabanaya

$
0
0

Mas'uuliyiin, ganacsato iyo dadka Afgooye ayaa sheegay in qaar ka tirsan ciidanka DKMG ay amni daro iyo dhac ka geystaan degmada Afgooye.

Xildhibaanno ka soo jeeda gobolka Shabeellada Hoose, guddoomiyaha Afgooye, ganacsato iyo dadka degan ayaa VOA u sheegay in rag ku labisan dharka ciidamada dowladda ay dhac ka geysteen degmada Afgooye, isla markaana falalkaasi aanla aqbali karin.

Dhinaca kale, Abaanduullaha ciidamada dowladda C/kariin Yuusuf Dhegabadan ayaa beeniyay in ciidamadu ay dhac iyo xadguduba ka geysteen degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhinaca kale, afhayeenka AMISOM Paddy Akunda ayaa sheegay in inkabadan 100 qof lagu soo qabtay howlgallo wado jir ah oo ay sameeyeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana dadkaasi ku jira dad aan Soomaali ahayn, balse Abaanduulaha ayaa sheegay inaysan jirin cid ajanabi ah oo la soo qabtay.

Qeybta hoose ee qoraalkan ka dhageyso warbixin ka hadlaysa cabashada dadka iyo wareysiga abaanduullaha.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>