Wararka ka immanaya gobalka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, ayaa
sheegaya in xaley labo qarax oo ka dhacay deeganka Wabxo ee gobalkaas uu
ku dhintay hal qof afar kalena ay ku dhaawacmeyn sida ay sheegayaan dad
ku sugan Wabxo.
Saraakiisha Ahlu Sunna ee ku sugan Wabxo ayaa ku eedeeyay qaraxaas in ay
ka dambeeyeen ururka Al-Shabaab, waxana ay sheegeyn dhamaan dadkii
qaraxyadaas wax ku noqday in ay ahaayeen dad rayid ah.
Dadkii dhaawacmay ayaa la sheegay in lagu daweynayo Isbitaalka deegaanka Wabxo ee gobalka Galgaduud.
Sidoo kale wararka saaka naga soo gaaraya Wabxo ayaa sheegaya in
howlgalo ay halkaas ka sameeyeen ciidamada Ahlu Sunna lagu soo
qab-qabtay tira dad ah oo ay ku jito qof dumar ah kuwaasoo lagu tuhmayo
in ay ku lug lahaayeen qaraxyada.
Ma jirro cid sheegtay qaraxyada xaley ka dhacay Wabxo, laakin waa markii
ugu horreysay oo qaraxyo noocaan oo kale ah ay ka dhacaan deegaanka
Wabxo ee gobolka Galgaduud.
Sidoo kale waxa isla xaley markii qaraxyada dhacay deeganka Wabxo ay
maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca uu Bandow ku soo rogeen deegaankaas ilaa
amar dambe sida ay sheegayan dad ku sugan, xaaladda Wabxo ayaa saaka
degan.Wararka ka immanaya degmada Wabxo ee gobalka Galgaduud ayaa

degan.
↧
Qarax ka dhacay degamada Wabxo ee Galgaduud
↧