Somaliland ayaa gaashaanka ku dhufatay hadalo ka soo yeeray mas’uuliyiinta DKMG ah oo sheegaya in wadahadalada dhawaan dhex mari doona Somaliland iyo DKMG ah lagaga hadli doono midnimada labada dhinac, Somaliland ayaa DKMG ah uga digtay in hadalada noocaas ah ee la isu marinayo warbaahintu ay sii fogaynayaan wadahadalo dhex mari kara Somaliland iyo DKMG ah.
Guddoomiye Ku-xigeenka Baarlamaanka Somaliland Cali Yuusuf Axmed ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay arrintaas kaga hadlay.
Shirka jaraa’id ka dib ayaa Idaacadda VOA ay wareysi la yeelatay Guddoomiye Ku-xigeenka.
Wareysiyo arrintaas la xiriira hoosta ka dhageyso.