
C/samad Macalin Maxamuud waiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ayaa inta uusan ka ambixin garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxa uu saxaafadda u sheegay in safarkooda uu yahay siddii ay u soo arki lahaayeen gobaladaas oo ka mid ah meelaha ay dowladda maamusho.
” Waxa aan u socodnaa anniga wafdigeyga Baay, Hiiran iyo Geddo oo ka mid ah gobalada dowladda ay joogto, waxa aan halkaas kullamo kula qaadan doonaa maamulada ka jira, saraakiisha ciidamada iyo shacabka ku dhaqan, si aan wax uga weydiino xaaladda ka jirta.
Wafdiga wasiirka ayaa seddax diyaarad oo nooca Helecopters-ka ay ka qaaday garoonka Muqdisho.
Wafdiga wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga waxa ka mid ah wasiirro, xildhibaanno iyo saraakiil ciidan waxana marka hore ay tagi doonaan magaalada Baydhabo ee gobalka Baay, halkaas oo ay uga sii gudbi doonaan magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiran halkaasoo dhawaan ciidamadii ugu horreeyay ee AMISOM oo ka socda Jabuuti la geeyay.
Wafdiga wasiirka waxa ku jira wariyaal badan oo ka shaqeeya gudaha iyo dibadda, mana uu sheegin wasiirka inta maalmood ee booqashadooda qaadan doonto.
Waa markii ugu horreysay ee wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga C/samad Macalin Maxamuud uu tago gobaladaas, waxana la sheegayaa in socdaalka wafdiga maanta u ambabaxay goboladaas ay qeyb ka yihiin maamul usameen cusub oo laga hirgalin doono gobaladaas.