Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Maansada: Shurugdiid:By Bashir M. Hersi

$
0
0

Waa maanso kooban, oo ka faallonaysa xaaladda wadanku marayo, jalleeco sooyaalna aan ka marnayn, male iyo mutuhis ka dheer, waa xog iyo xaajo warran, tagtada tilmaamaysa, timaadadana ka digaysa, si aan loo marin hilin hore loogu hungoobay, kama marna hubsiimo, “Sahaydaadu waa dib, safarkaaguna waa hore” sidaa awgeed, waa ma hurto in qof walba intii awooddiisa ka hadlo, kana gaysto ayaaha umadda, ugu dambayn, aan idiin kala boxo idinka iyo maansada:



Maansada: Shurugdiid





1.      Shiinleeyda maan curin

2.      Suugaan ma kala shubin

3.      Murtidii ma shaahidin

4.      Shiribka iyo Guuroow

5.      Geeraar ma shaandhayn

6.      Shib waxaan iraahdo

7.      Shaama reer ahaado

8.      Inaan shiro gar weeyee

9.      Shaafiya dadweynaha

10.     Shishe iyo dul uga digo

11.     Waydiimo shaaciyo

12.     Shaacirkana su’aal faro

13.     Shanta magaca guudiyo

14.     Shacabkeena Soomaal

15.     Isku soo shamuumoo

16.     Bal shifaysta erayada

17.     Maansadan Shardiidkaa.



18.     Ninka sharraxanoow, joog

19.     Shabshablaha socdoow, joog

20.     Sheekh Camaamadlow, joog

21.     Oday Shaarubloow, joog

22.     Shayb madax cadoow, joog

23.     Shaqaaqada wadow, joog

24.     Shibbanaha xarafaha iyo

25.     Shaqallada dhigoow, joog

26.     Shafka ha u garaacine

27.     Shurug yuu ku raacine

28.     How Shareera tumanine

29.     Shirbaa Laashinoow, joog

30.     Shiinleey tirshoow joog

31.     Shiidaal sanoow, joog.



32.     Ha shigshigin hadhoow, joog

33.     Shoog yuu ku helin, joog

34.     Shaxdu waa qabyee, joog

35.     Wali lama shaqshaqine, joog

36.     Dabbaa wali shidane, joog

37.     Sheekaa dhimmane, joog

38.     Shawr baa harsane, joog

39.     Shirarbaa socdee, joog.



40.     Waxaan sheekada u xiray

41.     Uga sheelay qodobbada

42.     Shacab daallan baa jira

43.     Shukaansiyo xodxodashiyo

44.     Shufto iyo dullaal iyo

45.     Sheex laawe beentiyo

46.     Sharta kala hagaayoo

47.     Isku shubo awoodaha

48.     Kala sheela cududdoo

49.     Shisheeyaha kalkaaloo

50.     Shifo aanan keenayn

51.     Sheekadooda doonayn.



52.     Ma sheexoow adeer joog

53.     Ha shigshigin hadhoow, joog

54.     Shoog yuu ku helin, joog

55.     Shaxdu waa qabyee, joog

56.     Wali lama shaqshaqine, joog

57.     Dabbaa wali shidane, joog

58.     Sheekaa dhimmane, joog

59.     Shawr baa harsane, joog

60.     Shirarbaa socdee, joog.



61.     Sharcigiyo Dastuurkii

62.     Waa layska sheed maray

63.     Ninba sheekaduu rabo

64.     Ayuu shaar u geliyoo

65.     Ku shaaximay awooddiis

66.     Danihii shaqsiyadeed

67.     Shilimaad ku dhiibaa!



68.     Shalay kii la doortiyo

69.     Kii ka sii shisheeyiyo

70.     Midka sheedda joogaba

71.     Shansho qaawan mooyee

72.     Arag shibiqa mooyee

73.     Feker sheelan mooyee

74.     Garaad shuusha mooye

75.     Oogo Shalala mooyee

76.     Xoolo shabiya mooyee

77.     Sahan shabaqa mooyee

78.     Shamaag jeexan mooyee

79.     Shawr kale ma haayaan!



80.     Shiraystaha dadkoow, joog

81.     Shacab laayahoow, joog

82.     Ha shigshigin hadhoow, joog

83.     Shoog yuu ku helin, joog

84.     Shaxdu waa qabyee, joog

85.     Wali lama shaqshaqine, joog

86.     Dabbaa wali shidane, joog

87.     Sheekaa dhimmane, joog

88.     Shawr baa harsane, joog

89.     Shirarbaa socdee, joog.



90.     Iyadoo shakaalnayd

91.     Shanshadu jabnaydoo

92.     Lafaheedii shiilmeen

93.     Shax kalaa dig soo tiri

94.     Federal shirqool iyo

95.     Shacabkoo la oodoo

96.     Shabag lagu wareejiyo

97.     Shanta shalay ahayniyo

98.     Magaceenii sheegnaa

99.     Sharafta iyo qarankii

100.    Xidigtii shidnaydiyo

101.    Shaacii la damiyoo

102.    Shar la ooday baa yimid.



103.    Labadii shucayskiyo

104.    Isku raacday sharad li’i

105.    Shallaytay ka joogaan

106.    Shaki baa ku kala dhacay

107.    Shisheeyaa la kala faqay

108.    Shicibkiina kala guur

109.    Sullay kala shareerteen

110.    Midba gaar u shaxayaa

111.    Kan kalana ka shirayaa

112.    Isku sheeko maahoo

113.    Midba shaashad gaaruu

114.    Shaahidaa allaylkii.



115.    Toban shaarlahoow ,joog

116.    Ha shigshigin hadhoow, joog

117.    Shoog yuu ku helin, joog

118.    Shaxdu waa qabyee, joog

119.    Wali lama shaqshaqine, joog

120.    Dabbaa wali shidane, joog

121.    Sheekaa dhimmane, joog

122.    Shawr baa harsane, joog

123.    Shirarbaa socdee, joog.



124.    Roadmap nin sheegiyo

125.    Nin shaahiday xogteedoo

126.    Macnaheeda shaaciya

127.    Sharraxaa ma joogaa?



128.    Ma shirbaa? Ma shabaqbaa?

129.    Ma sheekaa? Ma shuhubaa?

130.    Ma xeer sharafta dhawroo

131.    Dawladnimo shafeecaa?

132.    Mise shaafto weeyoo

133.    Waa dabin la sheeliyo

134.    Shaxihii Maxmiyaddiyo

135.    Sheerkii gumaysigee

136.    Shalay aynu diidnay?



137.    Sharqi iyo qarboow joog

138.    Ha shigshigin hadhoow, joog

139.    Shoog yuu ku helin, joog

140.    Shaxdu waa qabyee, joog

141.    Wali lama shaqshaqine, joog

142.    Dabbaa wali shidane, joog

143.    Sheekaa dhimmane, joog

144.    Shawr baa harsane, joog

145.    Shirarbaa socdee, joog.



146.    Yaa Shacabka hagi kara

147.    Sharafna noo samayn kara?!



148.    Yaa Sharciga dabbaqi kara

149.    Dastuurkana shifayn kara?!



150.    Yaa Shareeco fari kara

151.    Shuhubkana dawayn kara?!



152.    Yaa shalay bogsiin kara

153.    Sharta yaa ka digi kara?!



154.    Yaa Shaqaale qori kara

155.    shirkadana hawadin kara

156.    Oo shaxaadka goyn kara?!





157.    Shaqalkeed nin badiyiyo

158.    Shiinkeed mid mariyoo

159.    Shiribka iyo maansada

160.    Shaacirkii yaqaanoow

161.    Sharraxoo bal noo sheeg

162.    Halka shacabkan loo wado?!



Dhammaad.



Bashiir M. Hersi

bdiraac@hotmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>