Labo shaqaale sama falayaal u dhashay dalka Kenya ayaa gelinkii dambe ee shalay lagu afduubtay deegaan u dhow Bacaadweyn ee Gobolka Mudug, markii dabley hubeysan ay jidka u galeen.
Sida wararku sheegayaan shaqaalahan oo ahaa rag iyo dumar ayaa kooxo la sheegay inay burcad badeed yihiin ay afduubteen, iyagoo la aaday deegaanka Garacad.
Mas’uul u hadlay maamulka Puntland ayaa sheegay inay kooxaha afduubtay sama falayaashaas ay yihiin burcad badeed bilaabay inay ajaaniibta ka qafaashaan beriga.
Waxaa uu sheegay mas’uulka inay wadaan howl galo baaritaan oo ku aadan kooxaha afduubtay, isla markaana baadigoob u geli lahaayeen sidii ay u soo furan lahaayeen.
Shaqaalahan ayaa u shaqeynayay hey’ad lagu magacaabo International Aid Service oo ka howl galeysay deegaano ka tirsan gobolka Mudug.
Afduubka shaqaalahan ayaa noqonaya kii labaad oo muddo sanad gudahood ka dhaca berriga gobolka Mudug, iyadoo dhowaan Koofurta Galkacyo lagu afduubtay wariye heystay dhalashada dalka Jarmalka.
↧
Shaqaale sama fal u dhashay Kenya oo lagu afduubtay Gobolka Mudug
↧