Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Afhayeenka Amisom oo ka hadlay howlgalka Ciidan ee ka socda G/Sh/Hoose

$
0
0


Kadib markii shalay ciidmada XDS iyo kuwa Amisom ay la wareegeen deeganka Laanta buuro iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxaa arintaasi ka hadlay afhayeenka cusub ee ciidamada Amisom Col Cali Aadan.
Afhayeenka Amisom Col. Cali Aadan ayaa sheegay in howl galkii shalay uu si wanaagsan ku dhamaaday, isagoo xusay in Ciidamada ay horay uga gudbeen degmada Afgooy ilaa 30-K.M. iyagoo la wareegay Laanta buuro.
“si guul ah ayu ku dhamaaday, howlgalka milateri ee shalay ka dhacay Shabellaha Hoose, qorshuhuna waxaa weeye inaan hore u sii soconno”ayuu yiri Col. Cali Aadan.
Sidoo kale Afayeennka waxa uu tilmaamaay in deegaanka Laanta buuro ay ku dileen rag ka tirsan kooxda argagixisada shaabaab, isagoo intaa ku daray in ciidamadu ay saldhigyo ka sameysteen deegaankaasi.
Deegaanka Laanta buuro oo saldhig ciidan u aheyd malleeshiyaadka shabaab ayaa istiraatiijiyaad u ah howlgalka ciidamada XDS ay ku xoreynayaan gobolka Shabeelaha hoose.
 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>