Afhayeenka Ciidamada AMISOM Bariijiye Bahuuko ayaa dafiray iney iyaga u xiran tahay wadada isku xirta Bakaaraha iyo Dabka ee Magaalada Muqdisho.
Bariijiye Bahuuko waxa uu ku eedeeyey Ciidamada Xarakada Alshabaab in ay u xiran tahay wadada isku xirta Dabka iyo Bakaaraha, isla markaana qeybo ka mid ah wadadaasi ay jareen si aysan u marin gaadiidka dadweynaha iyo kuwa caadiga ah ee isticmaali jiray wadadaasi.
Dagaalada labada todobaad ka socda magaalada Muqdisho waxaa ka dhashay xirnaashaha wadada isku xirta Isgoysyada dabka iyo Bakaaraha oo ay mari jireen gaadiid fara badan oo qaarkood dekadda Magaalada Muqdisho ka keena badeecooyin kala duwan.
Sidoo kale Afhayeenka Ciidamada AMISOM Bariijiye Bahuuko waxa uu beeniyey guulaha Xarakada Alshabaab ka sheegtay dagaaladii ugu danbeeyey ee ka dhacay caasimada Magaalada Muqdisho.
Si kasta oo ay ahaato waa markii ugu horaysay Taliska Ciidamada AMISOM ka hadlaan xirnaashaha wadada isku xirta Dabka iyo Bakaaraha ee Magaalada muqdisho.