Waxaa maanta laga dareemayaa deganaasho aan cagabadan ku taagneyn xaafadii waqooyiga Muqdisho oo ey dagaaladu ka socdeen walow xilli kasta la filan karo dagaal.
Degmooyinka waqooyiga magaalada Muqdisho ku yaala gaar ahaan degmooyinka Boondheere, Shibis, C/casiis iyo Kaaraan oo maalmihii la soo dhaafay ay ka dhaceen iska hor imaadyadii ugu qaraaraa ayaa shalay gelinkii danbe marka laga soo bilaabo waxaa ka jirtay xaalad degganaansha ah in kastoo xalay fiidkii la maqlayay xabado teel teel ah oo ay dhinacyadu is weeydaarsanayeen.
Degmooyinka war dhiigleey, Hawl wadaag iyo Hodan oo ka mid ah degaanadii iyaguna uu saameeyey dagaalkii maalahan la soo dhaafay ka dhacayay qaybo ka mid ah magaalda Muqdisho ayaa laga dareemayaa iyaguna xaalad degganaansho ah in kastoo subaxnimadan la maq maqlayo xabado iyaguna teel teel ah oo aan sidaa u badneen.
Suuqa bakaaraha oo ka mid ah degmooyinka Hodan iyo Hawl isla markaana ah meelihii ugu darnaa ee madaafiicda ay ku dhacaysey ayaa isaguna saakay laga dareemayaa xaalad degganaansha ah.
Suuqa ayaa maanta goor hore la furey iyadoo la arkayo diyaar garosga ballaaran ee loogu jiro ciida Soon fureed.
Kumanaan dad ah ayaa subaxninimadii hore ee saakay ku soo jarmaaday gudaha Suuqa bakaaraha si ay halkaa uga dukaameystaan isugun diyaariyaan ciidda barkaysan ee foodda nagu soo haysa, maa daama maalmihii la soo dhaafay ay dadku badankooda ku soo dhici waayeen inay gudaha u soo galaan suuqa oo dqueymo ku soconayeen.
Si kasta ha ahaatee jawiga maanta muqdisho ayaa ka bedelan xilligan kii labo maalmood ka hor uu ku sugnaa, waxaadna moodaa in dadku qalbigoodu iska hilmaamay duqeymihii iyo dagaaladii si weyna ay ugu dhega taagayaan munaasibadda ciidul fidriga oo berito ama saa dambe ku beegay