Afhayeenka Wasaarada Warfaafinta Shiikh Cabdirisaaq Maxamed qayloow oo xalay la hadlay qaar ka mid ah saxaafada gudaha ayaa ka war bixiyay dagaaladii shalay iyo xlaya ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho oo u dhaxeyey ciidamada dawladda iyo kuwa xarkada shabaabul Mujaahiddiin.
Shiikh Cabdirisaaq ayaa sheegey in dagaaladaasi dhinaca dawladda ay ka soo gaareen Khasaaraha illaa sedax askeri oo ka tirsan ciidmada dawladda oo dagaaladaa ku dhaawacmay.
af hayeenka ayaa tibaaxay in khasaaraha ugu ba’an ee dhimasho iyo dhaawac leh uu soo gaaray dhinicii ka soo hor jeeday waa siduu hadalka u dhigaye isagoona intaa raaciyay in ciidamadoodu ay ku sii siqeen fariisimo hor leh oo shalay ka hor ay ku sugnaayeen ciidamada xarakada shabaabul Mujaahiddiin,
Cabdirisaaq Maxmaed Qayloow ayaa intaa ku daray in Sarkaal ka tirsanaa Saraakiisha xarakada shabaabul Mujaahiddiin uu shalay dhankooda u soo goostay kana soo baxay dhinaca xarakada Shabaabul Mujaahiddiin.
af hayeenka ayaa hoosta ka xarriiqay in iminka Sarkalkaasi gacanta ay ku hayaan isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo ban dhigayaan saxaafadda.
af hayeenka wasaaradda war faafinta dawladda ku meel gaarka Soomaaliya ayaa sheegey inay sii wadayaan dagaalada ay kala soo hor jeedaan xarkada shabaabul mujaahiddiin isagoona sheegey inay ku kacyaan wax aan loo dul qaadan karin.
Qaylow ayaa ugu danbeyntii farta ku fiiqay in shalay wixii ka danbeeyay uusan jirin doonin dul qaad dhankood ah isla markaana uu dhamaaday dul qaakii ay u dul qaadnayeen Ciidamada xarakada Shabaabul Mujaahiddiin.
si kasta ha ahaatee hadaladab af gayeenka ayaa imaanaya xilli isaguna af hayeen u hadlay xarakada shabaabul Mujaahiddiin uu guulo millatery ka sheegtay dagaaladii shalay iyo xalay ka dhacayay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho.