Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Dhexdhexaadin la sheegayo in laga dhex bilaabay madaxweynaha iyo R/Wasaaraha!

$
0
0

kadib khilaafyo soo kala dhexgalay madaxda dowlada taas oo ka dhalatay kala aragti duwanaansho dastuurka cusub oo la sheegay in dowladu yeelan doono ayaa waxaa la sheegay in dhex dhexaadin laga dhex bilaaby labada masuul/

Dadaalada la doonayo in arrintaasi lagu dhameeyo, waxaa hormuud ka ah Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha soomaaliya Augustina Mahiga, wuxuuna labada mas’uul kulamo goonigooni ah kula kala yeeshay magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi.

Sida warku sheegayo Augustina Mahiga magaalada Nairobi kula kulmay Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid, ka dibna magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha dowladda KMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed, lamana oga in dedaalkiisu uu miro dhalay iyo in kale.

Dhinaca kale waxaa soo baxaya warar aan si rasmi ah loo xaqiijin oo sheegaya in xildhibaano aruursi ay ka kala socdaan magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, kuwaas oo ay kala wadaan Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha.

Arrintan ayaa soo baxday ka dib markii xildhibaano badan ay ka soo horjeesteen dastuurka cusub ee uu Ra’isul wasaaraha doonayo in la meelmariyo iyadoo aan afti dadweyne la qaadin, ay isu diiwaangeliyeen in la soo gole joojiyo Ra’isul wasaaraha si arrintaasi loogala xisaabtamo, halka Madaxweyne Sheekh Shariif uu kulamo goonigooni ah la yeeshay xildhibaanada ka soo horjeeda Ra’isul wasaaraha, halka dhinaca Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid uu isana wado abaabul uu kaga hortagayo in cod loo helo kalsooni u qaadista Xukuumaddiisa, waxaana uu kulamo la yeeshay Xildhibaanada ku sugan magaalada Nairobi, kuwaas oo uu qaarkood xalay u sameeyey afur, ugana warbixiyey khilaafka u dhaxeeya isaga iyo Madaxweynaha.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>