Xukuumada Jibuuti ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqday Qorshe ay Soomaali aan tiro yareyn kaga masaafurineyso dalkeeda ka dib markii ciidamadeedu dad sharci la'aan halkaas ku jooga soo qabqabteen.
Xabsiga Nagaad ayaa waxaa hadda jiifa oo su'aalo lagu weydiinayaa dad ku dhow Afar Boqol oo Qofood kuwaas oo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan laga soo qabqabtay xaafadaha ay magaalada Jibuuti ka kooban tahay.
Jibuutiyaanku waxay ku doodeen in dadkani ay dalkooda ku jóogeen si sharci daro ah sidaas darteedna ay dalkooda ka masaafurinayaan una masaafurinayaan dalalkii ay ka soo jeedaan waa Soomaaliya iyo Itoobiyee.
Soomaalida oo aaminsan in Jibuuti ka mid ah tahay dhul weynaha Soomaaliyeed islamarkaana aysan marti ku aheyn ama aan ugu yaraan lagu dulmineyn ayaa hadda dib u jaleecaya talaabadan ay Jibuutiyaanka qaadeen iyo walaaltinmadii u dhexeysay sida ay isula jaanqaadi doonaan.