Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa munaasabada Muslimiita Caalamka ku weyn ee Ciidul Fitriga darteed la hadlay Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan guud ahaanna Shucuubta Caalamka ee Muslimiinta ah.
Madaxweynuhu wuxuu dhammaan Muslimiinta Adduunka u rajeeyay Nabad iyo Baraare Soomaalidana wuxuu si gaar ah ugu rajeyeeyay Nabad iyo barwaaqo in uu Alle ugu bedelo dhibaatada mudada dheer heysatay.
Dhanka kale inkastoo Munaasabad weyn oo qiimo leh aanu ku jirno hadana Madaxweynuhu kama baaqsan in uu soo hadal qaado xoogaga ka soo horjeeda ee dagaalka aan dhamaadka laheyn ku haya dowladiisa iyo ciidamada gaashaanka u ah ee AMISOM.
Madaxweynuhu wuxuu Xoogagaas ku eedeeyay in ay dalka qalalaase uun ku sii hagayaan wuxuuna si gaar ah carabka ugu dhuftay Qarixii shalay ka dhacay Albaabka hore ee Garoonka magaalada Muqdisho, qaraxaas oo sida la qabo ay geeysteen Rag naftooda soo qadimay oo ismiidaamiyay.
halgankanet@gmail.om