Ciidamada AMISOM Midwga Afrika
ayaa sheegay in qaraxii manta lala beegsaday garoonka Diyaradaha
Muqdisho ay uga dhinteen askar ka tirsan Ciidamadooda.
Afhayeenka Ciidamada Nabad Ilaalinta ee
AMISOM Bariijiye Bahuuko ayaa Radio Muqdisho u sheegay in laba askari ay
uga dhinteen qaraxyadaasi oo loo adeegsaday laba gaari iyo waliba laba
qofood oo is qarxiyay.
Bahuuko wuxuu intaa raaciyay in 3 ka
tirsan Ciidamada AMISOM ay ku dhaawacmeen qaraxyadaasi kuwaas oo la
geeyay Isbitaalka ay Xalane ku leeyihiin AMISOM.
Isagoo sii faahfaahinaya qaraxyada ayuu
Afhayeenku sheegay in hal gaari uu is qarxiyay, gaariga labaadna ay ka
soo degteen laba nin oo dagaallantay kaddibna is qarxisay, isagoo
sheegay in gaarigii labaad uu yaalo banaanka Garoonka.
Mar aan weydiinay khasaaraha guud ee ka
dhashay qaraxyada ayuu sheegay Bahuuko in aysan badneyn hase yeeshee ay
ku dhinteen dhamaan kooxdii weerarka soo qaaday iyo sidoo kale dad rayid
ah oo gaaraya laba qofood iyo askartaan ka tirsan ciidamada AMISOM.