Nabadoon Xaad, Gudoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Hawiye ayaa maanta munaasabada ciidul fidriga aawadeen baaq u jeediyay kuwa dagaalka ka wada dalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka intaba.
Nabadoonku wuxuu si qalbi jab ka muuqato u yiri erayadan; "Waxaan idinku dhaariyay Magaca Alle ee shacabka ka daaya dagaalka aad ku dul dagaaleysaan, ummadu waa baaba'daye"
Inkastoo Xaad xoogga saaray sidii uu kooxaha dagaalka ka wada magaalada Muqdishu uu uga raaridi lahaa xabad joojin iyo wadaxaajood nabadeed oo aan shuruud ku xirneyn ayaa waxaa hadana muuqata in kooxahan dhegahoodu maqlaan uun baaqyada colaada.
Qaraxyadii shalay ka dhacay Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho ayúu xaad ku sifeeyay kuwo Axmaqnimo ah oo aan la jaan qaadi karin dhaqanka wannaagsan iyo diinta Suuban ee ay Soomaalidu heystaan.
Beesha Caalamka ayuu sidoo kale Xaad ka dalbaday in ay faraha iyo lugahaba la soo gasho arrimaha Soomaaliya si loo badbaadiyo hambada ka hartay shacabka Soomaaliyeed ee mudada dheer ku dhexjiray dagaalada aan dhamaadka laheyn ee ay dabada ka riixayaan ma naxayaal.