Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Manchester United oo qaaday koobka Community Shield

$
0
0

Kooxda kubadda Cagta Manchester United, ayaa qaaday koobka FA Community Shield ee labada koox ee sanadkii ugu dambeeyay ugu cadcadaa ama kaalimaha ugu sareeya ka galay ay isugu yimaadaan.

Manchester, waxay koobka ka qaadatay kooxda Chelsea, oo ahayd
sanadkan 2010 kooxdii wada qaadatay koobabka England Premiership-ka iyo
FA Cup.

Ciyaartu waxay ka dhacaysay garoonka Wembley
Stadium, iyadoo koobkan ay Shan iyo toban jeer horay u qaadatay koobkan,
halka Chelsea-na ay qaadatay 4 jeer.

Sadex jeer oo horay ay labadan koox ugu kulmeen,
waxay waqtigii caadiga ahaa markii ay ku kala bixi waayeen kadib kula
kala badiyeen rigoorayaal, iyadoo laba jeer ay badisay Man U, halkan mar
kaliya ay badisay kooxda Chelsea.

Ciyaartii dhexmartay labadan koox Axad, 08-da
August, 2010, waxay ku bilaabatay miisaan iyo dardar ay labada kooxba la
soo galeen garoonka, iyadoo koox walbaa ay leedahay yaan gool lagaala
hormarin.

Valencia ayaa goolka 1-aad ka dhaliyay Chelsea

Hase yeeshee, daqiiqadii 40-aad oo shan daqiiqo
ka harsan tahay dhamaadka qaybtii hore, ayaa Manchester United uu
ciyaaryahankooda Valencia u dhaliyay goolkii ugu horeeyay.

Inkastoo ka hor inta aysan dhamaan qaybta hore
ay Chelsea isku dayday in ay soo guddo goolka, ayaa hadana aysan ku
guulaysan in ay keenaan goolka barbardhaca.

Qaybtii labaad, ayay dardar la yimaadeen iyo gool raadin kooxda Chelsea.

Goollka labaad ee Man U

Hase yeeshee, gool ay soo gudaanba daayee,
iyagii ayaa gool kale loogu daray marka ay ciyaartu maraysay 76 daqiiqo,
waxaana ka dhaliyay Hernandez.

Dadaalkii Chelsea, ayaa ugu dambayntii
miro-dhalay markii daqiiqadii 83-aad oo Solomon Kolou gool u dhaliyay,
kaasoo u muuqday in Chelsea ay mar kale ciyaarta dib ugu soo laabatay,
inkastoo wali gool laga horeeyay oo ciyaartu noqotay 2-1.

Waxaase dhacday in ay barbaro ay keenaan iska
daaye, iyagii loogu sii dray gool kale markii daqiiqadii 90-aad uu
ciyaaryahanka Man U, Berbetov uu goolkii sadexaad dhaliyay.

Waxay ciyaartu ku soo gaba gabowday 3-1, oo
guusha ay ku raacday kooxda Manchester United, oo Chelsea waxaa la yiri
hadii horay aad u hanatay labadii koob ee Premiership-ka iyo FA Cup-ka,
Community Shield, waa annaga.

Si kastaba ha ahaatee, ciyaartan oo sidoo kale
loo arko tijaabada ciyaaraha ay la soo shir tagi doonaan kooxaha ugu
sareeyay horyaalkii u dambeeyay, ayaa in badan saadaasha ay ka qaateen
ay ahayd in Manchester United ay ka fursado badnaan karno marka
todobaadkan dhamaadkiisa ay dib u bilowdaan ciyaaraha horyaalka England
ee Premiership, balse waxay ahaataba waa la ogaan doonaa marka ay
ciyaartuhu bilowdaan iyo sida ay ku soo dhamaadaanba.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>