Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Mas'uuliyiin ka tirsan Ahlusunna Waljamaaca oo si kulul u cambaareeyay Madaxda Dowladda Soomaaliya

$
0
0



 

 

 

Culummaa'uddiinka Ahlu Sunna Waljamaaca oo shalay
dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho oo ay safar uga maqnaayeen
in muddo ah ayaa si kulul u cambaareeyay madaxda Dowladda KMG
Soomaaliya.

Wafdiga ka socday Ahlu Sunna oo sheegay inay booqasho ku soo kala
bixiyeen dalal dhowr ah, isla markaasna ay ka qeybagaleen shirar
caalami ah ayaa waxay madaxda dowladda KMG ku eedeeyeen inay ka
gaabiyeen doorkii looga baahnaa wax ka qabashada ammaanka dalka
sidaasina waxaa warbaahinta u sheegay Suldaan Aadan Macallin oo
hoggaaminayey wafdiga Ahlu Sunna ee shalay ku soo laabtay magaalada
Muqdisho.

Suldaan Aadan waxaa kale oo uu madaxda xukuumadda ku eedeeyay
inay jabiyeen heshiiskii ay la galeen Ahlu Sunna, kaas oo ay aheyd
sida uu yiri in awoodda ay ku qeybsadaan labada dhinac, ayna si
wadajir ah dagaal ula galaan kooxaha dagaalka kula jira.



“Waxaan diyaar u nahay inaan dowladda KMG ah gacan ka siino
sidii lagu soocelin lahaa ammaanka dalka, meeshana looga saari
lahaa kooxaha diidan dowladnimada” ayuu mar kale yiri Suldaan
Aadan.

Madaxda dowladda KMG ah ayaa waxay horay u sheegeen inay meelmariyeen
qeyb ka mid ah heshiiskii ay bishii Maarso ee sannadkaan dalka
Itoobiya kula saxiixdeen Ahlu Sunna Waljamaaca, mana jirto wax
hadal ah oo ay ka bixiyeen eedeynta markasta uga timaada dhinaca
Culimaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca.

Lama oga in codsiga ay ujeediyeen xubnahaasi
uu qaadan doono iyo in kale, waxaase la sheegay in arrinka ay
soo farageliyeen saraakiil sarsare oo ka soctay maamulka Puntland,
inkastoo aan la ogeyn waxa ay ku dhameeyeen.



 

 

 Muuse Maxamuud Jiisow
somalisan39@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>