Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

4 askari oo miino ku qaraxday Muqdisho

$
0
0

Afar askari oo ka tirsan ciidamada dawladda ku meel-gaadhka ah ee Soomaaliya, ayaa maanta ku dhintay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ee dagaaladu aafeeyeen muddo ilaa labaatan sano ah.

Ciidamada dowladda ku meelgaarka ah, ayaa dhintay kadib markii
baabuurka ay saarnaayeen uu dulmaray miino jidka loo galiyay, oo kadibna
ku qaraxday.

Qaraxa ayaa ka dhacay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Sida ay BBCda u xaqiijiyeen dad goobjoog ah waxa
miino kale la kacday gaari ay saarnaayeen ciidan boolis ah, oo marayey
waddo ku taal degmada Xamar Jajab, waxaana ku dhaawacmay dhowr askri oo
booliis ah.

Kooxaha kacdoonka ee ka soo horjeeda dowladda,
ayaa inta badan waddooyinka galiya miinooyin ay ku bartilmaameedsadaan
ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, balse inta badan ma aha oo kaliya
kuwaas cidda ay waxyeeladu ka soo gaarto.

Waxaa dhacday in dad rayid ahna ay ku dhintaan.

Waxaa wali Muqdisho la isku horfadhiyaan
goobihii lagu dagaalamayay ilaa bartamihii bishii hore ama Ramadan-ka,
iyadoo dagaallo todobaadyo socday oo hadda qaboobay ay ku dhinteen in ka
badan 150 qof ayna ku dhaawacmeen dad kor dhaafaya 300.

Dagaaladan ayaa bilowday kadib markii Xarakada
al-Shabaab ay sheegtay in ay bilowday dagaal ay kaga taqalusayso wax ay
ugu yeertay cadowga ku soo duulay iyo kalkaaliyayaashooda, hase yeeshee,
waxaa muuqata in dagaalada aan guulo la sheegi karo laga gaarin.
Inkastoo, labada dhinacba ay sheegteen in dagaaladaas ay guulo ka
gaareen.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>