khubaro dhinaca caafimaadka ah oo u dhashay DalkaIngiriiska ayaa shaaca ka qaaday in daawo loogu tala galay indhaha ay haatan ogaadeen in ay suurto gal tahay in lagula dagaalamo oo lagu daweeyo bidaarta.
Daawadan oo lagu magacaabo Lumigan islamarkaana loo isticmaalo goojo ahaan cudur indhaha ku dhaco lagu daweeyo ayaa qubaro dhinaca caafimaadka waxa ay ogaadeen in daawada ay sidoo kale ay korin karto tinta yar yar xaada oo kale taasoo ku harta meesha tinta ka biday.
Professor Valerie Randall oo ka tirsan jaamacada the University of Bradford eek u taala dalka Ingriiska oo haatan hogaaminayay tijaabo lagu sameeynayo daawan ayaa sheegay in daawadan Bimatoprost lagu yaqaano ay koriso tinta ku taala isha baarkeeda, waxaana horay loogu soo isticmaalay in arintaasi.
Daawadaasi ayaa waxa uu sheegay Professor-ka in ay sidoo kale loo isticmaali karo soo celinta tinta ay bidaarto la tagtay.
Dalalka Mareykanka iyo Jarmalka ayaa isla sanadkaan dhexdiisa lagu wadaa in tijaabooyin la mid mid lagu sameeyay dalka Ingiriiska iyana lagu sameeyo.
Tijaabada daawada bidaarta ayaa waxa lagu sameyn doonaa 220 qof oo rag ah iyo 172 dumar kuwaasoo ka cabanaya bidaarta.
↧
Bidaartu dhib ma kugu haysaa dawo ayaa loo helay
↧