Warar hoose uu helay boga Markacadey.net ,ayaa shegaya in labada fanaan ee ku nool North America Cawaale Adan Iyo Hodan C/Raxmaan uu u bilawaday jaceyl ,kadib markii dhawaan la isku arkay labada fanaan oo isla joga studio Liiban oo ku yaala Magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka balse Hodan iyo Cawaale ayaa ku kala nool Canada iyo Maraykanka
Hodan iyo Cawaale ayaa jacelkooda ku soo bandhigay heesta cusub ee dhawaan isla qadeen labada fanaan heestaas oo lagu magacaabo Rugta Nolosha.
Cawaale ayaa heesta ku muujiyay erayo ka turjimayo qiimaha jaceylka iyo bahida labada qof isu qabaan.iyadoo erayada ay ka mid yihiin”Dhayaha Urooney Tii Lagu Rakibayey Mankayga Racaa,rugta nolosha waa guur raxma kalay.
Hodan ayaa iyaduna ugu jawabayso Allaylahee sidaan rabi ima diidine Raga kan ka doortooy , rugta nolosha waa guur rooble kalay.
Sheekadaan ayaa noqotay hadal heynta ugu badan Malmahan xaga fanka,waloow aysan jirin soo bandhigid labada fanaan ku muujiyeen jaceylkooda.
Halkaan ka daawo heesta Hodan iyo Cawale.
↧
Fanaaniinta kala ah Cawale Adan iyo Hodan C/Raxmaan oo is Jeclaaday.
↧