Kaambaynka ololaha doorashada golaha deegaanka oo galay maalintii Afraad(4),ayaa waxa maanta u lahaa Urur siyaasadeedka DALSAN,oo ka mida ururada siyaasada ee u tartamaaya doorashada golaha deegaan Somaliland,oo ah doorashada lagaga mid noqonaayo sadexda Xisbi Qaran ee Somaliland shanta sano ee soo socda ka jiridoona.
Boqolaal ka tirsan taageerayaasha Urur siyaasadeedka Dalsan,ayaa saaka subaxii hore iskugu soo baxay guud ahaanba gobalada iyo degmooyinka dalka Somaliland,maadaama ay maanta ahayd maalitoodii koobaad “1aad “boqolaalkan ka midka ahaa taageerayaasha Ururka Dalsan,oo sitay islamarkaana Ruxaayay Boodhadh iyo Astaamo ay ku xardhan yahiin astaanta Urur siyaasadeedka Dalsan iyo Numberada murashaxiintooda waxaana garab socday oo banana baxa kala qayb qaadanaayey hogaanka sare ee ururka Dalsan iyo xildhibaanada ugu sharaxan golaha deegaanka ee ku kala sugna gobalda iyo degmooyinka dalka.
Magaalo madaxda Jamhuuriyada Somaliland,ee Hargaysa ayaa waxay suabxii hore ku waabariisatay buuqa iyo sawaxanka ay sameynaayeen taagerayaasha Ururka Dalsan kuwaas oo socdaal iyo safaf dhaadheer ku maraayey jidadka waaweyne ee dhex maraayey magaalada Hargaysa,socdaal dheer ka dib waxay iskugu soo biyo shubteen fagaaraha beerta Xoriyada eek u taala badhtamaha magaalada Hargaysa.
Iyada oo ay la hadleen taagerayaasha ku sugnaa tara buunka beerta xoriyada,25ka murashax iyo saraakiisha sar sare,ee ururka Dalsan,shan iyo labaatanka murashax oo dhamaantood khudbado u jeediyey taageerayaashooda iyo kuwa ururka Dalsan,iyaga oo dhamaan ugu soo bandhigay barnaamijkooda siyaasadeed eek u shaqayndoonan hadii ay soo baxaan,waxxanay ugu balan qaaday taageerayaasha inay dhaamidoonan kuwa hada ku fadhiya kursiga golaha deegaanka Somaliland,khaasatan kuwa caasimada oo ay ku tilmaameen inay lunsadeen cashuurtii shacabka wax loogu qaban lahaa.
Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka Dalsan mudane:Ismaaciil Aadan Cismaan(Ismaaciil yare),oo soo afmeeray xafladii ka dhacaysey Fagaaraha Beerta Xoriyada magaalada Hargaysa,ayaa dhabaal hambalyo ah u diray guud ahaanba Ciidamada qaranka Somaliland,eek ala duwan isaga oo ku sheegay inay yahiin kuwo markastaba mudan in la hambalyeeyo, waxaanuu shacabka Reer Somaliland ugu baaqay in gacan siiyaan Ciidamada dalka Somaliland qaybahooda kala gadisan.
Geesta kalana gudoomiye, Ismaaciil Yare,oo hadalkiisa sii wata ayaa ku dhaartay islamarkaana wacad ku maray in haddii Ururkkiisa Dalsan ku guulaysto doorashada golaha deegaanka Somaliland,oo uu ka mid noqdo xisbiyada qaranka ee (3),ah inuu dalka ka sameyndoono Barnaamij siyaasadeed oo Cad kaas oo Dalku ku gaadhi karo,isaga oo taageerayaasha ururka Dalsan iyo guud ahaanba shacabka Reer Somaliland ugu baaqay inay codkooda siiyaan kuna caawiyaan Urur siyaasadeedka Dalsan.
Sidoo kale wararka soo gaadhaaya Xafiiska Wararka ee Shabakada wararka ee Almisnews,ayaa sheegaaya in gobalada kale ee dalka Jamhuuriyada Somaliland,iyo degmooyinka hoos yimaada,si balaadhan looga dabaal degay islamarkaana isku soo baxyo xoogan oo lagu taageeraayo ururka Dalsan ka dhaceen taas oo ay dhigeen taageerayaasha urur siyaasadeedka Dalsan,Ururka Dalsan ayaa noqonaaya ururkii 4aad ee saameeya ololaha doorashada golaha deegaanka Somaliland,ee daba yaaqada Bishan(11) ka qabsoomidoona Somaliland.
↧
Ololaha Doorashada Deegaanka Somaliland Oo Galay Maalintii Afraad Iyo Guddoomiyaha Dalsan Oo Ballan Qaadyo Horleh
↧