Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo ka Hadley suxufiyiin ku Go’doosan Kismaayo

$
0
0

Xogyaha Ururka suxufiyiintaSsoomaaliyeed Maxamed Ibraahim Pakistan Oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtey Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu shirkiisa jaraa’id kaga waramey Arimo dhowr Ah oo ku aadan Saxaafada Soomaaliya .
Maxamed Ibraahim Pakistan ayaa ku dheeraadey ka hadalka Suxufiyiin dhowr ah Oo ku go’doosan Airporka Magaalada  Kismaayo  kuwaasi oo shalay howlo shaqo ah u raacay Mas’uulyiin isugu jirta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Aminsom Waxa uuna sheegey in Ayaan Daro Tahay in suxufiyiin Soomaaliyeed inta La qaado Hadana looga soo tago  meel aysan Aqoon u laheyn .
Xogyaha Ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed Oo hadalkiisa sii watey ayaa waxa uu sheegey in hadii uu dhib ku yimaado suxufiyiintaas ay mas’uuliyadooda ay qaadayaan masuulyiintii shalay kaxeesey waxa uuna ugu baaqey madaxda Dowladda in ay ka shaqeeyaan sidii dib loogu soo celin lahaa magaalada muqdisho Wariyaashaas ku xaniban Gudaha Magaalada kismaayo asigoona sidoo kale ugu baaqey Maamulka raaskanbooni ay ka arimiya magaalada kismaayo iney wariyaashaasi xaq dhowraan
Pakistan ayaa sidoo kale waxa uu sheegey in ay maalmihii u dambeeyey ay soo badaneysey hanjabaadaha loo jeedinaayo suxufiyiinta soomaaliyeed waxa uuna kula dardaarmey suxufiyiintaasi iney u dulqaataan howsha baaxada leh oo ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed asigoo ugu baaqey dhinacyada isku haya siyaasada soomaaliya in ay badbaadiyaan Suxufiyiinta u adeegaya shacabkooda .
Hadalkan maanta ka soo yeerey ururka suxufiyiinta Qaranka Soomalaiyeed aya ku soo aadaya xili wariyaasha ka howl gala warbaahinta Soomaaliya ay la kulmaan tacadiyo kala duwan sida in dil loo geesto , in la dhaawaco , iyo sidoo kale in loo jeediyo hanjabaadyo joogto ah mana jirto ilaa iyo imika cid u Istaagtey suxufiyiinta Soomaaliyeed badbaadintooda .


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>