Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Afhayeenka Golaha Dhaqanka Hawiye" Alshabaab waxaan leeyahay dagaal guul ku gaari meysaane Nabadda qaata oo colaada joojiya

$
0
0

Axmed Diiriye Cali, afhayeenka Golaha Dhaqanka Hawiye ayaa ka hadlay dagaaladii Alshabaabku Muqdisho kaga dhawaaqeen bartamihii Bishii Ramadaan ee dhamaatay iyo kuwa ay weli ka iclaaminayaan magaalada Muqdisho.

Afhayeenku wuxuu dagaaladaas ku tilmaamay kuwa aysan Alshabaabku wax guul ah ka gaarin balse taas bedelkeeda ay sababeen dhimasho shacab oo aad u fara badan.

"Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM waxay leeyihiin difaac adag Alshabaabna waa jiir waayay Difaacyada Madaxtooyada oo sida madaxda Alshabaabka laga soo xigtay ay damacsanaayeen in ay ku Ciidaan" Afhayeenka Golaha Dhaqanka Hawiye Diiriye oo tusaale ka bixinaya qorshihii dagaalkii Soonka ee Alshabaab iyo meesha uu ku dambeeyay.

Ugu dambeyntii Caaqilku wuxuu Alshabaab kula taliyay in ay nabada qaataan dadka masaakiinta ahna aysan ka dhex dagaalin maadaama natiijadii ka soo baxday dagaalkii ay iclaamiyeen Bishii Ramadaan ay tahay mid iska cad oo aan daah saarneyn.

Alshabaab ayaa dagaal sida ay sheegeen kama dabeys ah ku qaaday saldhigyada Ciidamada Dowladda iyo Xarumaha muhiimka u ah Dowladda sida Madaxtooyada Villa Somalia.

halgankanet@gmial.com 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>