Banaabaxaan oo ahaa mid balaaran isla markaana ay ka soo qeyb galeen kumanaan dadweyne ah oo isaga yimid degmooyinka kala duwan ee gobolka banaadir ayaa maanta waxa uu ka dhacay stadium Koonis ee Degmada Cabdi Casiis waxaana banaabaxaas ka soo qeyb galay Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya iyo Qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada cusub .
Dadka banaabaxan dhigayey ayaa waxa ay ku dhawaaqayeen Ereyo ay ku taageerayaan Wasiirda cusub ee uu soo dhisey Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayagoona banaabaxayaashan xildhibaanada Soomaaliyeed Ka codsadey in si deg deg ah ku ansixinayaan Goloaha Wasiirada .
Qudbad uu halkaas ka jeediyey Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Saacid ayaa waxa uu sheegey in asaga iyo Golohiisa Wasiirada ay ka go’an tahay sidii isbadalao cusub kaga hirgalin lahaayeen Dalka Soomaaliya .
Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Cabdo Faarax Shirdoon Saacid ayaa waxa uu ugu baaqey Shacabka Soomaaliyeed iney taageeraan xukuumadiisa asagoona tibaaxey in xukuumadiisa ay wax badani ka qaban doonto xaqiijinta amaanka Dalka iyo dib usoo nooleenta kaabayaashii dhaqaaale .
Saacid aya aintaasi kud arey in golihisa wasiirada uusan ku soo xulin qabiil iyo nin jecleesi uuna ku soo xuley qof wax u qaban kara bulshada in ka badan 22 sano dhibaatada ku jirey Sida uu hadalka u dhigey .
Banaabaxan Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho laguna taageerayey golaha wasiirada cusub ayaa waxa uu noqonayaa banabaaixii ugu horeeyey ee uu ka qeyb galo ra’iisulwasaaraha soomaaliya iyo Qaar ka mid ah golohiisa wasiirada