Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Shacabka Dhoobleey oo maanta Sameynaya arin jawaab u ah siyaasada Jubooyinka ee dowlada

$
0
0

Magaalada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada ayaa lagu soo waramayaa inay ka dhacayaan banaanbax ay dhigayaan dadka deegaanka kaasi oo ay kaga soo horjeedaan qorshaha iyo damaca siyaasadeed ee dowlada Soomaaliya ka leedahay gobolada Jubbooyinka.
Dadka ku dhaqan magaalada Dhoobleey ayaa waxay ku dhawaaqayaan erayo ay ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan maamulka dowlada Soomaaliya ay sheegtay inay u sameynayo magaalooyinka Gobolada Jubooyinka.
Wararka ayaa sidoo kale sheegay in dadka banaanbaxa dhigaya ay wataan boorar ay ku qoran yihiin maamul u sameynta magaalada inay xaq u leeyihiin dadka deegaanka ee kasoo jeeda Gobolada Jubooyinka.
Sidoo kale Waxaa ay taageersan yihiin qorshaha IGAD ee maamulka loogu samaynayo goboladda Jubooyinka iyadoona dadka ay socod dheer ku dhexmareen gudaha magaalada.
Waxii kusoo kordhaaan banaanbaxaan kala soco www.balcad.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>