Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Daahir Sheekh Cali Guuleed (Daahir Gurey) wuxuu heystaa Dhalashada Mareykanka wuxuuna ka mid ahaa Alshabaab ka hor intii uusan Dagaaladii Bisha Ramadan ku dhiman

$
0
0

Daahir Shiikh Cali Guuleed oo Daahir Gurey ku magac dheeraa wuxuu ka mid ahaa  dhalinyaradii Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka uga soo socdaal ka mid noqoshada Alshabaab iyo ku biirista dagaalada ka holcaya magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa sida la soo tebinayo lagu dilay magaalada Muqdisho.

Telefishinka afka dheer ee ABC ayaa markii ugu horeysay baahiyay geerida iyo magca ninkan la sheegayo in lagu dilay dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho, dagaaladaas oo ay intooda badan dhacay Bishii Ramadaan ee aanu soo dhaafnay.

Telefishinka ABC oo sharraxaad ka bixinayay Daahir Gurey ayaa sheegay in Daahir ka mid ahaa ragga ugu galgalsan qalqaalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool Cariga Mareykanka dhalinyaradaas oo qaarkood ay ku bireen Alshabaab si ay uga dhinac dagaalaan xoogagan sida ay sheegtaan Dagaal Jihaadi ka wada magaalada Muqdisho.

Sida marar badan la shaaciyay dhalinyaro badan oo dibadaha ka hayaamay ayaa Soomaaliya u tegay sidii ay uga qeybqaadan lahaayeen dagaalada ay xoogaga islaamiyiintu ka wadaan Koofurta Soomaaliya, waxaana xusid mudan in ragga is qarxiyay ee ay badankood dibadaha ka yimaadeen.

halgankanet@gmail.com 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>