Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Jimciyada Quruumaha ka dhexeysa (QM) oo sheegtay in Alshabaab iyo Xisbul Islaam Dowladda Soomaaliya iyo Dunidaba halis ku yihiin

$
0
0

Xoghaya Guud ee Jumciyada Quruumaha ka dhexeeysa Ban Ki-Moon oo war qoraal ah ka soo saaray Xafiiskiisa ayaa ka digay halis sida uu sheegay ka soo socota ururada Xisbul islaam iyo Alshabaab ee dagaalka kula jira Dowladda Soomaaliya.

Ban Ki-Moon wuxuu qoraalkiisa oo dheeraa ku soo qaaday amaba ku xusay qaraxyadii Alshabaabku sheegteen ee ismiidaamineed ee ka dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Kampala wuxuuna ku tilmaamay qaraxyadaas marqaati cad oo muujinaya halista iyo qatarta muuqata ee ka jirta gudaha dalka Soomaaliya iyo weliba Mandiqada Bariga Afrika.

Qoraalka Ban Ki-Moon ayaa sidoo kale lagu sheegay in kulan heer wasiir ah oo ay yeelan doonaan dalalka awooda isbiday ee Golaha Ammaanka la baxay looga hadli doono arrimaha Soomaaliya isagoo kulankaas natiijooyin waxtar leh oo ka soo baxa rajo ka muujiyay.

halgankanet@gmail.com  


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>