Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Banaanbax daba jooga kii shalay oo ka soconaya meelo kamid ah magaalada Muqdisho

$
0
0

Iyadoo maalinimadii shalay Mas’uuliyiin u hadashay xarakada shabaabul mujaahiddiin ay ka dhawaajiyeen inay abaabulayaan banan bax ballaaran oo looga soo hor jeedo Gubistii Kaniisadda Maraykanka ahi ay gubtay Kitaabka qur’aanka Kariimka ah ayaa waxaa iminka ka soconaya degaano ka mid ah degmooyinka ay gacanta ku hayaan xarakada shabaab banan baxyo ay ka qayb galayaan qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmooyinkaas.
Af hayeenka xarkaada shabaabul Mujaahiddiin Shiikh cali Maxamuud Raage oo shalay la hadlayay saxaafadda Muqdisho ayaa sheegey inay samaynayaan ama ay abaabulayaan banan bax ballaaran oo ay uga soo hor jeedeen falkii ay ku kacday Kaniisadda Yaree ku taala dalka Maraylanka taasoo xurmo darro aawgeed kula dhaqaaqday in Musxafkii ay gubaan.
Cali Dheere ayaa ku baaqay in dhamaan dadka ka soo qayb galaya banan baxaas in qof walba oo ka mid ah uu soo qaato Gacantana ku soo qabsado Kitaabka Kariimka si loo muujiyo shucuurta dadka Islaamka ah iyo sida ay ugu heelan yihiin inay kor u qaadaan.
Af hayeenka ayaa canbaareeyey Kaniisaddaas isagoona sheegey inay tahay dagaal mar marsiinya ah oo ay gaaladu ku dooneyso inay ku qaaddo Islaamka isagoona hoosta ka xariiqay inay diyaar u yihiin inay difaacaan diinta Islaamka meel walba oo ay ku sugan yihiin.
Ma aha oo keliya meelaha abaabul dibad baxaasu uu ka soconayo magaalada Muqdisho oo keliya balse waxaa jira degmooyin kale oo ka mid ah degmooyinka ay maamulaan xarakada shabaabul Mujaahiddiin kuwaasoo la filayo in saacadaha soo socda ay isku soo wada baxaan halkaasoo la filayo inay la hadlaan mas’uuliyiinta xarakadaas.
Dibad baxan manta ka dhacaya qaybo ka mid ah koofurta Soomaaliya ayaa waxa uu imaanaya xilli Maalinimadii shalay boqolaal dadka bara kacayasha ah ee ku nool inta u dhaxaysa Muqdisho iyo af gooey ay arrintaa ka banana baxeen iyagoona halkaa ku gubay calamada Maaraykanka iyo Israa’iil.
Si kasta ha ahaatee dibad baxan ayaa la qorsheynayaa maant in ay ka qayb galaan Muslimiin fara badan oo ka caraysan tallaabada ay qaadday Kaniisaddaas ku taala dalka Maraykanka in kastoo Baadarigii u qab qableynayay arrintaa uu hore u sheegey inuu ka laabtay arrintaa balse la fuliyay balan qaaadkiisii ahaa inuu gubayo Kitaabka qur’aanka Kariimka.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>