Xarakada Alshabaab ayaa Dugsiyada Waxbarasho ee ku yaala Gobolada dalka ku kordhiyay Casharada jihaadka oo qeyb ka noqoneysa maadooyinka Iskuulaadka ka baxa, kadib markii ay sidaas ku soo rogeen.
Shabaab ayaa wali daba gal ku haya Iskuulaadka magaalooyinka ay ka taliyaan, iyagoo bilaabay dib u eegista maadooyinka iyo manaahijta lagu dhigo Dugsiyada, kadib markii dhowaan mamnuuceen in casharada qaar ku baxaan Luqada Ingiriiska.
Mid ka mid ah macalimiinta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegay in Saraakiisha dacwada ay ku soo wargeliyeen in Fasalada Iskuulaadka laga siiyo mid ka mid ah xisooyinka, si ardayda loogu biiriyo maadooyinka Jihaadka.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Dugsiyada waxbarasho ee ku yaal Gobolada Bay, Bakool iyo Gedo si la mid ah loogu soo rogay awaamiirtaas, waxaana sidoo kale dhowaan ku soo biirtay Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Shabellaha Hoose.
Waalidiinta ardayda dhigata Iskuulada ayaa walaac ka muujinaya in xiiso kordhinta Dugsiyada ay keenaan, mid caruurtooda lagu qaldo, maskaxdana looga xado, si dagaalada uga qeyb qaataan.
Shabaab ayaa bishii Ramadaan dagaalo ay ka iclaamiyeen magaalada Muqdisho, waxay ku laayeen dhalinyaro ay ku soo qal qaaliyaan dagaalada inay ka qeyb qaataan.
Xigahso Jowhar