Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta si degdeg ah dib ugu soo gurya-noqday magaalada Muqdisho ka dib markii uu Kampala kula soo kulmay dhiggiisa Yugaandha Museveni.
Shariif oo horkacaya Wefdi ballaaran ayaa ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waxaana durbadiida loo soo dhaadhiciyay Villa Somalia.
Safrakan degdega ah ayaa la tuhusan in uu ka dambeeyay ka dib markii maanta uu baaqday Kualnkii Baarlamaanka ee Xukuumada ninka ay is-hayaan waa Ra'iisal wasaare Sharma'arkee codka kalsoonida loogu qaadi lahaa.
Madaxweynaha ayaa haatan taageerayaashiisa kulan kula leh gudaha Madaxtooyada wuxuuna u xusul duubayaa baa la leeyahay sidii Xildhibaanadii maanta magaalada kala galay ee ka baaqday Kulankii baarlamaanka ay u tegi lahaayeen kulanka xiga.
Dhanka kale Madaxweynuhu lama hadlin Saxaafada balse wixii war ee soo kordha dib ayaan idiinkaga soo sheegi doonaa haddii Alle Idmo ee ha moogaanina.