Xildhibaanada Baarlamaanka qaarkood ayaa lagu eedeeyay in ay wadaan Mashruuc lagu burburinayo hannaanka dowliga ah ee haatan ka jira dalka Soomaaliya.
Mudane ka tirsan Baarlamaanka oo lagu magacaabo Maxamuud Maxamad Kulalihi ayaa xildhibaanada ka soo horjeeda Xukuumada Soomaaliya ee ku doodaya in Codka Kalsoonida loo qaado ku eedeeyay in ay wataan Mashruuc gaar ah oo lagu majaxaabinayo Xukuumada Soomaalida oo sida uu isagu qabo heysata Kalsoonida Baarlamaanka.
Kulalihi wuxuu dhanka kale sheegay in ay tahay nasiib daro xasaradan laga dhex wado gudaha Baarlamaanka iyo guud ahaan dowladda xili lagu jiro buu yiri dagaal aan sahlaneyn oo ay dowladu kula jirto Xoogaga nabad diid ah.
Xildhibaankan hadalkiisa ayaa ku soo aadaya xili maanta uu baaqday kulankii Baarlamaanka ee la damacsanaa in xukuumada lagu saaro miisaanka kalsoonida Baaralamaanka Kooramkii kulanku ku qabsoomi lahaa oo soo dhameystirmi waayay dartiis.