Guddoomiyaha Xisbiga Dimoqraadiga ee Somalida Ethiopia C/fitaah Sheekh C/laahi ayaa Rajo weyn ka muujiyay inuu hirgali doono heshiiska dhawaan ay gaadheen dowladda Ethiopia iyo jabhaddaha Soomaalida ee ka soo horjeeda.
C/fitaah oo safar ku maraya dalkan Maraykanka ayaa sheegay in dowladda Ethiopia iyo maamulka dowlad-deegaameedka Soomaalida Ethiopia ayaa diyaar u yihiin inay gacan nabadeed u fidiyaan kooxaha ka biyo-diidsan heshiiska isla markaana dhamaan colaadda gobolka lagu soo afjaro si nabad-gelyo ah.
C/fitaah wuxuu sheegay in kulamo ay la yeesheen jaaliyaddaha qurbo-joogta ah ee ka soo jeeda gobolka ay u sheegeen in maamulka dowlad-deegaameedka Somalida ee Ethiopia ay ka go'an tahay inay si nabad gelyo ah ku dhameeyaan colaadaha gobolka ka jira.
Wareysiga guddoomiyaha Xisbiga Dimoqraadiga ee Soomaalida Ethiopia qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.