Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Waa sidee xaalada degaanka Galgala iyo degaanada ku xeeran?

Waxaa saakay deggan xaalada degaanka Galgala iyo degaanada ku xeeran kadib dagaalo shalay ka dhacay kaas oo qaataysaacado badan.

Maamulka Puntland iyo Maxamad Siciid Atam oo ka hadleen dagaaladii shalay waxa uu dhinac walba sheegtay inuu guulo ka gaaray dagaaladasi Dhimasho iyo Dhaawaca fara badan ka dhasheen.

Wasiirka Amaanka Maamulka Puntland Yuusuf Kheyre oo Saxaafada la hadlay ayaa sheegay Ciidamada Puntland inay guulo ka gaareen dagaaladii shalay, ayna jiireen awoodii Ciidamada Islaamiyiinta Maxamad Siciid Atam.

Maamulka Puntland ayaa sheegay inay dileen 20 dagaalyahano oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib sida uu sheegay Wasiirka Amaanka Maamulka Puntland Yuusuf Kheyre, mana jirto ilo madax banaan oo xaqiijin kara guusha Maamulka Puntland ka sheegtay dagaaladii shalay ka dhacay dhulka Buuraleyda ee Galgala.

Dhanka kale Maxamad Siciid Atam oo si kooban uga hadlay dagaladii shalay ayaa sheegay ciidamadiisa inay u gacan sareeyaan dagaaladii shalay, labada dhinacna isku horfadhiyaan goobihii markii hore dagaalada ka bilowdeen.

Ugu danbeyntii dad goob joogayaal ah ayaa sheegay dagaalada inay isku mari waayeen labada dhinac goobaha dagaalada ka bilowdeen, dhimasho iyo dhaawac fara badan oo labada ciidan ahna ka dhasheen dagaaladii shalay ka dhacay Galgala, saakana waxaa laga cabsi qabaa inay dagaalo kale ku dhex maraan deegaanadaasi labada dhinac oo wali isku horfadhiyaan Deegaanka Galgala ee Puntland.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles