Wararka aan ka heleyno deegaanka Kalabeyr ee gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo Xabashi ah oo ey weheliyaan kuwo somali ahi ay soo gaareen halkaasi iyagoo baaritaano ku bilaabay baabuurta isticmaasha jidkaasi
Sida ay ku sheegeen dadka ku dhaqan Kalabeyr, ciidamada Itoobiyaanka ayaa waxaa la socda kuwo somali ah oo ey ku jiraan qaar horey looga eryey magaalada B/weyne
Ciidamada Itoobiyaanka ayaa waxaa la arkay iyagoo wata gaadiidka dagaalka gudahana u soo galay deegaanka Kalabeyr ee gobalka Hiiraan.
Hasa ahaatee, nin sheegtay taliyaha ciidamada dowladda KMG ee gobalka Hiiraan ayaa beeniyay in wax ciidan Itoobiyaan ah ay soo galeen gobalkaasi.
Ninkan oo lagu magacaabo Axmed Inji ayaa wuxuu sheegay Kalabeyr inay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan dowladda KMG, ayna jirin wax ciidan Itoobiyaan ah oo halkaasi yimid.
Ma aha markii ugu horreysay ee ciidamo xabashi ahi yimaadaan gudaha dalka Somalia iyagoo meelo dhowr ah oo ka tirsan dalka somalia horey ugu soo xadgudbay.