Saraakiisha ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxaa
ka yaabiyey askari ka tirsan xooggaga Al-shabaab oo ciidamada AMISOM ay
ku qabteen dagaalladii ugu dambeeyay ee shalat ka dhacay degmada Hodan
ee magaalada Muqdisho.
Askarigaas oo ah wiil aad u da’yar oo ka tirsan ciidamada u dagaalama
Xarakada Al-shabaab ayay ciidamada AMISDOM geeyeen xaruntooda ugu weyn
ee Muqdisho oo ku taala xerada Xalane ee duleedka Garoonka diyaaradaha
Muqdisho.
Saraakiisha AMISOM oo askarigaas u bandhigay Saxaafadda ayaa waxyaabaha
layaabka leh ee uu sameeyay waxaa ka mid ahaa inuu diiday inuu salaamo
saraakiisha iyo askarta AMISOM oo uu sheegay inay yihiin Gaalo jirkooda
iyo jirkiisana ay xaaraan kala yihiin.
Su’aal kasta oo ay weydiiyaan wuxuu kaga jawaabayay aamusnaan, wuxuuna
si aad ah ugu gubayay indhaha, isagoo u muujinayay nacayb xooggan uu u
qabo.
Waxa uu u sheegay inuu yahay mujaahid doonaya inuu dagaal la galo, uuna
jeclaa intii uu ku jiri lahaa gacanta Gaalada in uu shahiido.
Afhayeenka AMISOM Captain Barigiye Bahoku oo saxaafadda la hadlay ayaa
sheegay in wiilkan dhalinyarada ee ka tirsan askarta Al-shabaab u
dagalaanta ay ka soo qabteen dagaal ka dhacay degmada Hodan ee magaalada
Muqdisho, isagoo sheegay in la soo qalday wiilkaas isla markaana ay
heynayaan tan iyo inta ay ka fahamsiinayaan wanaaga nabadda, isla
markaana aysan waxba gaarsiin doonin.
“Wiilkan magaciisa waxaa la yiraahdaa Maxamed Macalin Aadan, waa wiil
yar, hadda waa uu na diidayaa, ciidankeena ayuu iska diidayaa oo ma
ogola inay taabtaan, waana la soo qalday” ayuu yiri Barigiye Bahoku oo
intaas ku daray inay dhaqan celin ku sameyn doonaan oo ay xanaanaynayaan
inta ay ka barayaan nabadda iyo wanaageeda, sida uu yiri.
Wiilkan dhalinyarada oo saxaafadda ay wax ka weydiisay halka uu ka yimid
ayaa waxa uu sheegay inuu ka yimid degmada Diinsoor, waxaana wejigiisa
ka muuqatay caro aad u weyn oo uu u qabay ciidamada AMISOM, isagoo la
arkayay isagoo u faruuryo qaniinaya Ciidamada AMISOM.
Maxamed Macalin Aadan oo aan wax cabsi ah wajigiisa ka muuqan ayaa
sheegay inuu waxyaabaha uu ku jiray ay ahaayeen mid sax ah, dagaalkana
uu ahaa mid jihaad ah oo uu la dagaalamayay Gaalo sida uu hadalka u
yiri.
Waxa uu fariin u diray xarakada Al-shabaab oo uu sheegay inuu nool yahay
oo uusan weli shahiidin, wuxuuna ka dalbaday inay u soo duceeyaan.
W/D: Caaqil Dalmar
Aaran News