Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya
Mudane Sh Shariif Sh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay
waaberigii gaaray magaalada New York ee dalka mareykanka.
Wariyaha Radio Muqdisho uga soo warama
ayaa sheegay in xalay markay saacadda Muqdisho ku beegneyd 02:00am, uu
madaxweynuhu soo gaaray Mareykanka, ayadoo ay soo dhaweeyeen wasiiro iyo
diblomaasiyiinta Soomaalida u qaabilsan Qaramada Midoobay iyo
Mareykanka.
Madaxweynaha ayaa 25ka bishaan khudbad
xasaasi ah ka jeedin shirka Qaramada Midoobay ee New York, taas oo
xambaarsan warbixinno iyo xog guud oo ku saabsan xaalada Soomaaliya.
Dhinaca kale wasiirka arrimaha dibadda
ee Soomaaliya Yuusuf Dheeg oo xalay u warramay radio Muqdisho ayaa
sheegay in shir loga hadlay arrimaha Soomaaliya ay isugu yimaadeen
dalalka ku mideysan ururka Islaamka.
Wasiirku wuxuu sheegay in shirkaasi
looga hadlay sisii loo taageeri lahaa xallinta mashaakilka dhinaca
ammaanka iyo bani’aadamnimada ah ee ka taagan Soomaaliya.
Madaxda shirkaasi ka qeyb gashay ayaa
soo bandhigtay qorshayaal cad oo wax looga qabanayo xaaladda dalka
Soomaaliya laguna taageerayo dowladda KMG Soomaaliya.
R/was are ku xigeen ahaana wasiirka
kalluumyesiga iyo Kheyraadka badda Prof. C/raxmaan Ibbi ayaa Radio
Muqdisho u sheegay in madaxda dalalka Islaamku ay Jimciyadda Qumumaha
ka dhaxeysa hor geyn doonaan hindise dhaqale lagu siinayo Soomaaliya si
deg deg ah iyo taageeridda hanaanka nabadda ee dalka.