Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Ciidamadii Xabashida oo dalka dib uga laabtay kadib markii ey muddo joogeen dalka gudahiisa

$
0
0

Ciidamadii Xabashida oo shalay soo galay meelo kamid ah dalka ayaa xalay halkaasi dib uga laabtay kadib markii ey halkaasi ku sugnaayeen in muddo ah.


Ciidamadan oo sida la sheegey watay illaa toban gaari oo nooca dagalka ah ayaa markii ay halkaa yimaadeen waxaa ay bilaabeen inay isku ballaariyaan wadada Laamiga illaa dhulka Buuraha ah ee ku xeeran degaanadaas.


Ciidamadan Xabashida oo ay la joogeen Maleeshiyaad somali ah ayaa baaritaano ku sameeyey gaadiidka halkaa maraya iyagoona si aad ah u baarayay gaadiidka isaga gooshaya Gobolka Hiiraan iyo gobolada dhexe.


Ciidamadan Xabashida ayaa intii ay halkaa joogeen dhaq dhaqaaqooda ku sii fidiyay degaanada ku xeeran degaanka kal bayr in kastoo wax dhibaata ah aysan u gaysan dadkii xoolaleyda ahaa ee degaanadaas ku dhaqnaa.


Nin sheegtay inuu dowladda ka tirsan yahay ayaa hore u beeney inaysan jirin wax ciidamo Xabashi ah oo soo galay gobolka Hiiraan iyagoona ku andacooday in askarta halkaa ku sugan ay yihiin oo keliya askar Soomaaliyeed.


In kastoo maleeshiyadu ay beeniyeen hadaladaas ayaa haddana dadka degaanka oo aanu la xiriirnay waxaa ay noo xaqiijiyeen in ciidamadasi ay jiraan muddo ay ku sugnaayeen degaankaas iyo degaanada ku xeeran.


Dadka degaanka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ciidamadii Xabashida ee shalay soo gaaray degaankaas ay dib uga laabteen isla markaana ay gaareen Degaanka Feer Feer ee kilinka shanaad.


Si kasta ha ahaatee ciidamada Xabashika ayaa mar walba soo gala gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaana gobolada Bakool ama Hiiraan kuwaasoo markii ay halkaa muddo ku sugnaadaan dib isaga laabta.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>