Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

War deg deg ah: dagaal dib uga qarxay dagaanka Degaanka galagla ee duleedka boosaaso

$
0
0

Dagaal kulul, ayaa dib uga qarxay Buuraleyda Galgalo oo
qiyaastii 30km u jira Magaalada Boosaaso, halkaasi oo haatan laga
maqlayo madaafiic calculus iyo rasaasta darandooriga u dhacda.


Inkastoo saacadihii lasoo dhaafay ay xasilooni aan buurneyn ka jirtay
deegaankaasi, ayaa waxaa sii xoogaystay xiisad dagaal huwan oo
waaberigii hore ee saakay lagusoo toosay, sida ay xaqiijinayaan dadka
deegaanka.


Lama oga khasaaraha dagaalka oo aan waxba ka liidan dagaalkii shalay
marka aad eegto daryanka iyo rasaasta ka dhacaysa deegaanadaasi.


In ka badan 20-ruux oo u badan dhinacyada dagaalamaya ayaa ku dhintay
dagaalkii shalay, halka Sodomeeyo kalana ay ku dhaawacmeen.


Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Madaxda Puntland oo ku aadan dagaalkan dib uga qarxay buuraleyda Galgalo.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles