Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Xafiisyada QM ee qaabilsan Somalia oo muqdisho loo rarayo

$
0
0

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay in la
go’aamiyay in loo soo raro gudaha Soomaaliya xafiisyada Qaramada
Midoobay ee Soomaaliya quseeya.

Augustine Mehiga ayaa hadalkan wuxuu ka sheegay shir jaraa’id ay ku
qabteen magaalada Nairobi isaga iyo R/wasaaraha xukuumadda Cumar
C/rashiid Sharma’arke.

Wuxuu sheegay in mar dhaw ay imaan doonaan magaalada Muqdisho
shaqaalaha ka howl galaya xafiisyada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Wuxuu kaloo sheegay in waqti dhaw laga furi doono xafiisyadaasi
garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, oo ka mid ah meelaha ay
gacanta ku heyso dowladda ayna ilaaliyaan ciidamada Amisom.

Wakiilka QM ee arrimaha Soomaaliya iyo R/wasaaraha xukuumadda ayaa
kulan ku qaatay magaalada Nairobi, waxaana goobjoog ka ahaa kulankaasi
wakiilo ka socda beesha caalamka iyadoo laga hadlayay xaaladda
Soomaaliya.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles